Sheekada Ayaanle Yare iyo Qoyskiisa

Ayaanle Yare waa wiil dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Burco, gaar ahaan xaafadda loo yaqaan Jarmalka. Da’diisu waxay u dhaxaysaa 18 ilaa 19 jir, waana wiil muddo dheer la noolaa xanuunka dhimirka. Xanuunkaasi wuxuu ku dhacay isaga oo weli dhigta dugsiyada hoose-dhexe ee magaalada, wuxuuna si tartiib ah ugu fiday ilaa uu gaadhay heerkii ugu xumaa – heer uu khatar ku noqday dadka iyo naftiisa.

Qoyska Ayaanle oo ah qoys aad u danyar ayaa awoodi waayey inay wiilkooda geeyaan goob caafimaad. Sababtaas awgeed, waxay ku khasbanaadeen inay silsilado ugu xidhaan gudaha guriga, iyaga oo cabsi ka qabay inuu dhaawac u geysto dadka iyo naftiisaba.

Gurigooda ayaa waxaa sidoo kale ku nool nin la yiraahdo Maxamed, oo isaguna qaba xanuunka dhimirka. Maxamed sidoo kale waa lagu silsiladeeyey qol kale oo guriga ka tirsan. Sidaas darteed, labadooduba waxay ahaayeen dhalinyaro ku dhex xidhan laba qol oo iska soo horjeeda, iyagoo aan helin daryeel caafimaad iyo cunto ku filan.

Hooyada Ayaanle, oo lagu magacaabo Ugaaso, ayaa ah qofka ugu weyn ee qoysku ku tiirsan yahay. Waxay suuqa magaalada Burco ku iibisaa muus, buskud iyo waxyaabo kale oo yar-yar, iyadoo adeegsanaysa kaaryoonle yar. Lacagta yarta ee ay ka hesho ganacsigaasi ayaa qoysku ku noolaa, balse marnaba kama aysan bixin karin kharashaadka caafimaadka ee wiilkeeda. Intaa waxaa dheer, dhulka ay ku nool yihiin qoyskan maaha mid ay leeyihiin, balse waa dhul loogu ogolaaday oo maalin walba laga filan karo digniin ka guuritaan.

Muddo 16 bilood ka hor, ururka Somaliland Mental Health Support Organisation (SMHS) ayaa magaalada Burco ka bilaabay diiwaangelinta bukaano cusub oo qaba xanuunka dhimirka, iyagoo u balan qaaday shaybaadh, dawooyin ku habboon, daryeel caafimaad iyo gargaar cunto. Nasiib wanaag, Ayaanle iyo Maxamedba waxay ka mid noqdeen bukaanadaas cusub.

Kadib baaritaanno caafimaad, waxaa loo qoray dawooyin joogto ah oo uu dhakhtarku ugu talagalay, waxaana bil walba la siin jiray taageero raashin iyo gargaar lacageed oo yar. Muddo kadib, xaaladdooda caafimaad si weyn ayay isugu beddeshay. Ayaanle wuxuu noqday qof si muuqata uga soo raynaya xanuunka, waxaana uu dib ugu soo laabtay nolol caadi ah.

Maxamed, dhankiisa, weli wuxuu la daalaa dhacaa balwad iyo qaad uu aad u isticmaalo mar kasta oo caafimaadkiisu hagaago. Si kastaba ha ahaatee, sheekadu maanta waxay si gaar ah u taabanaysaa Ayaanle.

Bishii Afraad ee sannadkan 2025, xaaladda caafimaad ee Ayaanle aad bay u wanaagsanaatay, waxaana laga furay silsiladdii uu muddo dheer ku xirnaa. Maanta wuxuu ka mid yahay dadka caadiga ah ee magaalada Burco, isagoo dib ula midoobay qoyskiisa iyo bulshadiisa.

Sheekada Ayaanle Yare waa mid ka tarjumaysa dhibaatada qoysas badan oo sabool ahi la kulmaan iyo sida caafimaadka maskaxdu uu ugu baahan yahay taageero. Nolosha wiilkani waxay tusaale u tahay sida daryeel caafimaad iyo gacansiinta bulshada ay qof ugu soo celin karaan rajada iyo nolol caadi ah.

Ugu dambayn, Ayaanle wuxuu u baahan yahay taageero joogto ah – caafimaad ahaan, dhaqaale ahaan iyo qoyseed ahaan – si aanu xaaladdiisu dib ugu soo noqonin. Sheekadiisu waxay fariin u tahay bulshada oo dhan in qofka qaba xanuunka dhimirka uu yahay qof nolol iyo rajo u baahan, balse aysan ahayn qof la dayaco ama lagu xiro silsilad.

W/Q: Maxamuud Khalif Ahmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *