FILSHADAYDII WAYNAYD IYO FAHANDARADA BULSHADAYDA

Magacaygu waa Abdirahman abdishakuur waxaan ahay wiil 34 jir oo ku nool magaalada borama .

Waxan ka mid ahaa dhalinyuarada ku soo barbaartay markizyada quraanka iyo goobaha barashada diinta islaamka , waxaan xafiday quraanka kariimka ,waxan sanado badan waday tafsiirka qur,aanka iyo kutubta cilmiga ee shareecada iyo diinta , waxaan markasta ahaa mid u gaajooda barshada aqoon dheraad ah meel kasta oo ay taalo .

Sanadkii 2012 waxaan ka qeyb galay tartan quraan oo lagu qabanayey wadanka jabuuti waxaan ka qeyb noqday dhalinyaro kaalmaha hore ka gashay kuwaas oo scholarship kala duwan ku guuleystay , waxaan ku guuleystay inaan safar aqoon korodhsi ku tago wadanka masar.

Runtii waxay ii ahayd tariikh nolashayda xasuus gaara kuleh ,waxaan inbadan ku haminayey in wadanada khaliijka ugu baxo safar cilmi korodhsi oo aan culuumta diinta waxbadan ka soo korodhsado , nasiib daro ma haysan dhaqaale mana garanayn dariiqa aan umari karo si aan rajadayda u rumeeyo.

Ka dib markan ku guuleystay scholarshipka wadanka masar , waxay filashaydaydu noqotay mid aad usareysa , waxan sawirtay in rejooyin badan oo aan lahaa in aan gaadho waxan sugi kari waayey waqtigii bixitankeyga .

Mudo badan oo aan maalmaha tirinayey waxa soo dhawatay waqtigii aan bixi laha waxan maray baadhitan caafimaad sidii sharciga ahaa , saacad ka dibse wax walba way isbedeleen ! ka dib markii doctorku igu wargaliyey inaan leeyahay xanunka ( hepatitis B ) sidaa awgeed aan bixi karayn .

Waxaa markaliya isbedelay dareenkaygii hadaan shalay rejooyin badan dhisayey , hiraal badan ii muuqday saacado kooban buu wixii oo dhan igaga burburay waxa nolashayda u bilaabmay bog cusub oo ah ka aan halkan ku soo gudbin doono iguna kalifay inaan tariikhda hore ee xasuusta qadhaadh igu leh aan ka sheekeeyo.

Ka dib markaan dhakhtarka ka imi waxa ii bilaabmay welwel , niyad jab iyo quus waxaan bilaabay inaan qol kaligay isku soo xidho , waxaa isbedalay guud ahaan jadwalkaygii nololeed waxan waayey hurdadii aan xili hore seexan jiray , waxaan nacay dad la macaamilkii xitaa xubnihii qoyska , waxaan gaadhay heer uu maankaygu tago xaaladayduna xumaato

Qoyskii aan qaraabada ahayn ee aan la joogay waxay go.aansadeen in gurigayagii oo boorama ahaa la igu soo celiyo iyadoo la igu aamini wayey in kaligay la isoo diro waxa isoo kaxeyey abtigay , xaaladyaduna way sii xumaatay

Fahanka qoyskayga ma ahayn mid fahmi kara xaaladayda caafimad iyo daawaynta cafimad ee igu haboon sida guud ahaan bulshadeena somaliyeed tahay

Waxa la igeeyey sheikh ay xafadayadu aaminsanayd wuxuu igu sheekay in xaladaydu ay ubahantahay taxliil iyo geedo dhaqameed , laakiin xaaladaydu kamay soo rayn inay sii xumaato mooye .

Mudo badan oo aan xaaladan ku sugnaa waxa la iigeeyey dr psychiatrist ah waxa la isoo qoray dawoyin caafimad oo isbedel muuqda xaaladayda ka geystay waxaan si tartiib tartiib xasilooni iyo dib usoo noqosho bilowday maskaxdayda waxaan dib ula midobay qoyskayga oo inbadan aan jeclayn hadalkoga iyo la shekaysigooda .

haayada ( SMHSO ) waxay ii noqotay gurmad aan cid kale ii galin waxay qayb ka noqday boqolaal ila mida oo ay ka soo saareen hadh madow iyagoo rejo iyo yadadiilo cusub u abuuray waxan marwalba uduceeya in ilaahay masuuliyada baladhan ku asturo .

waxaan manta ahay macalin quraan waxaan leeyahay 5 caruur ah iyo xaaskayga oo guriga ii joogta waxaan dareema inaan nolol cusub ay ii bilabantay sidii qof dunida ku soo biiray

fariintayda aan bulshada udirayo waa :- in bulshada qof ba qofka kale taageero oo hoos la isku eego , in waxkasta qiimo leh oo la waayo ayna ahayn dhamadka nolashaada laakiin ay muhim tahay aaminsananta qadarta rabi maaha kalmado aan meel kale ka keentay ee waa cashar 10 sano ka badan ay nolashu ibaraysay .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *