Gar-gaarka iyo taakuleynta xiliyada qaboobaha dadka il-daran Xanuunada Maanka

Dadka la ildaran xanuunada maanka ee Somaliland wa kuwo sanadba sanadka ka danbeeya kor usoo kacaya , iyado cilmi-baadhisyo la sameeyey muujinayaan in sadexdii qoysba laga soo helaya qof uu asiibay xanuunada dhimirku .

Dadkan oo aan helin xaquuqaha bini-aadinimo , islaamnimo iyo kuwa ehelnimo . xaquuqahan oo dhamantod dhiirigelinaya wax istarka , iyo is taakuleynta qofba qofka uu ka jilicsanyahay , taas badelkeeda waa kuwo si joogta ah ula kulma takoor bulsho , tacadiyo jidheed , iyagoona helin adeegyada caafimaad ee asaasiga iyo baahiyaha bini-aadantinimo oo ay ka mid yihiin Hoy ay ku noolaadaan iyo Hu ay xidhaan .

Ururka Somaliland mental health support organization isagoo baahiyaha ka jawaabaya waxa uu bilihii December ilaa jannuary waday barnaamij logu magac-daray dhaxantire kaas oo loogu qeybinayo ( bustayaal , dhar , kabo iyo raashin ) dadka nugul ee la nool xanuunada dhimirka .

Barnaamijkan oo laga fuliyey guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ( Hargeisa , Buro`a iyo Borama ) wuxuu si toos u gaadhay 100 Qoys oo ree Somaliland waana mid sii soconaya iyadoo laga jawaabayo baahi kasto oo ay qabaan dadkani hadba inta tamarteena ah

Ujeedka guud oo ahaa sidii wax looga qaban lahaa macaluusha iyo gaajada dadkan la ilaaway sidoo kalena ga`baad looga noqon lahaa xiliyadan lagu jiro cimilada qalaftan ee ay jiraan qaboobaha daran . ururka Somaliland mental health support organization waa mid markasta u taagan caawinta iyo la dareen la noqoshada walaalaha xiskooda waayey taaso ah masuuliyad caam ah oo cid kasta ka saaran is bar-bartagooga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *