Xafladii Furitanka Ururka Somaliland Mental Health Support Organization ee qaybta Somaliland

xaflada

Xafladii Furitanka Ururka Somaliland Mental Health Support Organisation

Somaliland Mental Health support Organiztion oo daryeli dona dadka dhimirka wax ka qaba ee ku dhaqan jamhuriyada Somaliland oo markay tarikhdu ahayd 2011 lagaga dhawaqay dalka Ingiriiska, qaybtisi labaad waxa si rasmi ah loogu daah furay xalay Maansor Hotel, Hargeisa Somaliland iyadoo xafisku hore usii jiray,

waxa xaflada furitanka kaso qayb galay madaxda ururka Somaliland mental Health Support Organzition. laanta Hargisa/Somaliland iyo laanta UK, madax ka socota xukumada Somaliland, culima’uddin, ganacsato, ururada bulsha, iskashatoyinka, dhaman Hayadaha cafimadka, jamacadaha iyo marti sharaf kalo badan.

furitan ka dib ugu horayn wax halkaa ka hadlay Dr C/rahman Doodi ka mida BOD ga ururka ahna digtoor isagoo ku dheeraday marxaladihii kala duwanaa ee ururku soo maray iyo wakhtigii la aasasay sanadkii 2011 hadana laga furay qaybtiisii labad somaliland gaar ahan caasimada dalka ee Hargeisa ,waxanu ka xog waramay howlaha kala duwan ee ururku qabtay,waxanu aad ugu dheeraday dhibaatada ay ku sugan yihin dadka xanunka dhimirka qaba iyo daryeelka ay u bahanyihin.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha ururka Somaliland Mental Health Support Organization Xaashi C/laahi

dhankale wax gudoomiyuhu sheegay in dadka maskaxda ka xanunsanayaa ay qaarkod ku xanuusandeen dagaaladi kala duwana ee dalku soo maray,waxanu xusay in marwalba ay ka go’an tahay urur ahaan in ay u adeegan ama wax u qabtaan bulsha in ta la nool xanunada dhimirka. waxa kale oo isna hadalka ka daba qaatay gudoomiyaha Gudida Caafimadka ee Maroodi jeex Ahmed Muhumed Madar isagoo hanbalyo u diray dhaman howldeena ururka gudo iyo dibadba waxanu bogaadin u jeediyay cid kasta oo ka shaqaynaysa gaar ahan ururka Somali land Mental Health Support, waxana hadaladisa ka mid aha Ururku waxa ay ku dhaqaaqeen talaabo leh guul mid dareen mid gobonimo iyo mid bil aadanimo.

dhanka kale waxa iyana munasibada ka hadlay. Agasimayasha dhakhatiita dhimirka. Hargeisa, Burco iyo Borama o tilmamay siday muhim u tahay in laga wada qayb qato sidi dadka wax lo tari laha. Xildhiba Maxamed Ali Xirsi(Obama) o ah xildhiban ka tirsan Aqalka barlamanka Somaliland aya shegay inu diyar u yihin ka barlaman ahan inay qayb ka noqondan hawsha tagereda halaha wax logu qabanayo bulshada inta xanunda dhimirka la nool.

Ugu danbayn waxa Xaflada so af meray, Wasir ku xigenka cafimdka somaliland o bogadiyay hawsha ay isku xilqamed Ururku SMHSO.

Allah Mahadle.

Leave a Reply