Warbixin Ku Saabsan Qaadhaan Ururintii Ciidda (01, September,2017)

Ciidii Carafo oo ku beegnayd 01 September, 2017 waxa hay’addu hawl qaadhaan ururin ah ka hirgalisay afar garoon oo lagu tukaddo salaaddaha ciidda oo ku kala yaala xaafadaha Hargeisa oo kala ahaa; Garoonka Sheikh Nuur, Garoonka Dhalinta, Garoonka 150 ka iyo Garoonka Pepsiga. Inkastoo, garoomadda qaar aan sidii la rabay wax uga soo bixin hadana aad baanu uga mahadnaqaynaa sidii quruxda badnayd ee culimada, dhalinyarta, haweenka iyo bulsha wayntaa garoon kastaa noola shaqeeyeen, noolana qaateen dhibaatadda xanuunka dhimirku ku hayo bulshadeena iyo sida dadka xanuunka dhimirka qabaa ugu darxumaysan yihiin bulshadda dhexdeeda.

Si kasta ha ahaatee, Wixii qaadhaan ah ee nooga soo xarooday garoomadaas waxaanu sidii balantu  ahayd ku bilawnay dib u dayactirka qaybta raga iyo qaybta dumarka oo xaaladooda dhisme aad u liidato, wax ka qabashana ay ugu dambaysay 1971. Hawshaa qaadhaan ururinta ah waxaa barbar socotay wacyigelin hay’addu ka waday garoomadaas oo dadka lagala hadlayay xanuunka dhimirka iyo sidii aan loo takoori lahayn walaalaheena xanuunka dhimirku asiibay, sidoo kale wacyigalinta waxaa lagu gudbinayay hab qoraal ah oo qofkasta oo gaaroonka yimid  la siinayay waraaqo hay’addu soo diyaarisay oo ku saabsanaa in la caawiyo dadkaas dhibanaha u ah xanuunka dhimirka lagana taxadaro in la dhibaateeyo ama bulshada dhexdeeda lagu dhex faquuqo. Hadaba, waxaa farxad wayn ah in hawshaasi sidii loogu talo galay u hirgashay, qaadhaan ururintii iyo wacyigelintii hawsha salka u ahaana lagu guuleystay hirgelinteeda.

Ugu dambayntii,  waxaanu aad ugu mahadnaqaynaa dhamaan dadkii nala shaqeeyay ee ka masuulka ahaa garoomadda, culimadii ka hadashay ee dadka ku guubaabisay inay wax bixiyaan, dadka dhimirka ka jirrana in fiiro gaara loo yeesho caawimadoodana bulshada ku dhiirigaliyay iyo ajarka laga helayo, dhalinyartii wiilal iyo gabdhoba lahaa ee sida tabaruca ah dadka uga ururinaysay qaadhaanka, waraaqaha wacyi-gelinta ah ee xafiisku soo daabacayna dadka musaliinta ah u qaybiyay, haween waynihii garoon kasta oo si fiican noola shaqeeyay iyo dhamaan bulshadii qaadhaanka bixisay ee maalkooda ugu deeqay walaalahooda la dhibaataysan xanuunka dhimirka, waxaanaanu lee nahay ALLE miisaanka xasanaadka ha idiinku darro. Inta hadhay garoomadda ciidda lagu tukado magaalada hargeisa ee aan ciiddan waxba laga ururin iyagana waxaa qorshaha ku jirra sidii loo tegi lahaa oo hawshan oo kale looga hirgelin lahaa. Ciid iyo ciid la’aana walaalaha dhimirku cid kale ma haystaane ee ha la caawiyo.

Mid ka mid ah dhalinyartii garoomada qaadhaanka ka ururinayay oo ku gaashaaman kaadhkii hay’adda ee mutadawaciinta