Ururka dhimirka ee Somaliland mental health support oo shahaado sharaf ka helay ururka weyn ee Somaliland community London

Ururka Somaliland oo ah urur samo fal. kaas oo fadhiisinkiisu yahay Somaliland iyo dalka boqortooyada carada Biritan ama united kingdom ayaa sanadkan wuxuu ku guulaystay inuu kamid noqdo ururada bulshada Somaliland aad iyo aad wax ugu taray .ururkan oo wax yaabo badan ka qabtay dhibaatooyinka dadka la tacaala xanuunka maskaxda wuxuu ka dalbanayaa dadka muxsiniinta ah inay garab istaagan. ururkan mashaariicda sanadka uu qabtay waxaa kamid ah inuu cusbitaalka guud ee magalada Burco iyo magaalada Boorama Siiyey deeq dawooyin ah kuwaas oo mid walba ku filaan doona mudo sanad ah imikana wuxuu gacanta ku hayaa inuu dib u habeyn ku sameeyo qayb kamid ah dhakhtarka dhinbirka ee magaalada Hargiesa qaybtaas oo kamid ah 15 makhsin, hadaba walala yaal ruuxii doonaya inuu sadaqaas ka qayb qaato hakusoo diro sada qadiisa akoonada hoos ku qoran ama ha lasoo xidhiidho xafiiska weyn.