Sanaaduuqda Mucaawimada Loogu Ururiyo Dadka Dhimirka Ka Jirran

Calaamadaha sanaaduuqda mucaawimada loogu ururiyo dadka dhimirka ka jirran

Somaliland mental health support waa hay’adda kaliya ee si toosa u caawisa dadka dhimirka ka jirran ee ku sugan guud ahaan somaliland, haday tahay kuwo cusbitaaladda ku jirra iyo kuwa ku hoos xidhan guryaha iyo dhirta labadaba.

Hadaba, markii ay hay’addu ogaatay in baahida dadka dhimirka ka jirran ee ku sugan cusbitaaladda dhimirka dalku, ay ka badan tahay in la siiyo dawo tayo leh iyo dhakhaatiir takhasusa oo xaaladooda caafimaad talaabo talaabo ula socda iyo sidoo kale dayactirka joogtada ah ee hay’addu ku samayso cusbitaaladda dhimirka ee dalka oo dhan, waxa hay’addu go’aansatay in la keeno sanaaduuq yar yar oo muwaacimo loogu ururiyo dadka dhimirka ka jirran si baahidooda aan dhamaadka lahayn loogaga jawaabi karo hadba intii suura gal ah.

Sanaaduuqdaas yar yar, waxa laga helaa meelaha dadku iskugu yimaado ee laga tukaansado, meelaha laga cunteeyo iyo pharmacies ka, waxaana loogu talo galay in dadka khayrka jeceli waxa ay awoodaan ee qaadhaan ah ugu ridaan walaalahooda dhimirka ka jirran oo ah dad aan hadlan karayn oo aan codkooda iyo baahidooda gaadhsiin karayn bulshadda si wax loogu qabto, abaar aan dhamaad lahayna hayso.

Sanaaduuqdaas waxa qaadhaanka ka soo ururiya oo hay’addu u xilsaartay qaar kamid ah culimada dalka ugu waa wayn oo  aaminimo iyo daacadnimo ku sifoobay, waxaana lagu qabtaa waxqabadada soo socda, habda inta qaadhaankaasi wax ka qaban karo;

  1. Guno laga siiyo shaqaalaha u xil-saaran ilaalinta nadaafadda cusbitaalka dhimirka iyo waash-maanada
  2. Guno laga siiyo dadka cusbitaalka dhimirka khudrada u soo ururiya
  3. Dayactirka fudud ee cusbitaalka dhimirka

Si kastaba ha ahaatee, qodobada aan kor ku soo xusnay maaha kuwo imika ay si dhamaystiran u kafeeyaan qaadhaanka ka soo baxa sanaaduuqdan mucaawinadu se hadii dadku u soo jeestaan oo qaadhaan ku ridaan sanaaduuqdaas, waxay noqonaysaa mucaawimo aan dadka khayrka jecelna waxba yeelayn walaalahooda la darxumaysan ee la dhibaataysan xanuunka dhimirkana  meel ka gufaynaysa oo wax loogu qaban karo.

Ugu dambayntii, hay’addani waxa ay diyaar u tahay in mucaawimo kasta oo soo gasha gacantooda ay si daah-furnaan iyo si-naani ku dheehan tahay wax loo gaadhsiiyo dadkii loogu talo galay, bulashadana xisaab celin i tus oo itaabsii ah (cadaymo ku salaysan) loogu soo bandhigo, markasta iyo meel kasta.