Hay’adda Oo Xafiis Cusub Ka Furatay Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer

Somaliland Mental Health Support Organization waa hay’ad caalamiya oo ka hawlgasha dhamaan goboladda somaliland fadhigeeduna yahay Cardiff cariga Ingiriiska. Waxa ay hay’addu xafiis cusub ka furatay magaalada Burco ee gobolka Togdheer si ay u dardargaliso hawlaheedda shaqo ee ay ku caawiso dadka la nool xanuunka dhimirka, xafiiskani waxa uu si dhaw uga shaqayn doonaa hirgelinta waxqabadada hay’addu ka wado gobolka Togdheer.