Dhimirka iyo Dhibaatooyinka ku Gadaaman

Published Categorised as Our Latest News & Events - Somali

Dhimirku waa xaalad/xannuun saamayn taban kuleh maskadxa qofka taasi oo ku keenta qofka xasilooni la’aan maskexeed, oo ay weheliso arbushaad dabeecadeed iyo fikireedba horseedana la qabsi la’aan shaqadii ama doorkii uu bulshada ka hayay (social functioning).
Xanuunka dhimirku waxa uu saameeyay kumanaan kun oo ku nool daafaha adduunka, si gaar ahna waxa uu waxyeelo balaadhan usoo gaadhsiiyay dadka Soomaalida ah ee ku nool dhulkeena Soomaaliyeed. Haddaba, dad badan oo ku nool gobollada Somaliland ayaa waxay la nool yihiin xanuunka dhimirka iyaga oo ku dayacan guryaha iyo goobaha aynu ku nool nahay. Dhimirku waxa uu saameyay qoys kasta oo ku nool dalkeena, waxaana suurto gal ah inaad aragto amma la kulanto dad (saaxiib/ehel) la rafaadsan qof qoyskiisa kamida oo dhimirku haleelay. Si kastaba ha ahaatee, hal qof oo xanuunka ka daawayn karnaa waxa uu door muhima ka ciyaarayaa koboca dhaqaaale ee naftiisa, qoyskiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan qaranka oo dhan. Aconselhamo-lo a visitar jogar blackjack dos nossos parceiros com bónus da nossa parte.
Saamaynaha taban ee aynaan ka fekerin waxa kamid ah: qofka uu gabi ahaanba joojiya doorkii uu dalka iyo dadka ka hayay. Tusaale ahaan, hal macalin oo la nool xanuunka dhimirku waxa uu luminayaa fursadii, kartidii iyo awoodii uu boqolaal iyo kumanaan arday ah wax ku bari lahaa kuwaas oo naftooda, ta qoyskooda iyo ta qarankaba faaiido balaadhan kusoo kordhin lahayd laakiin ismaynaan waydiin mala bad baadin karaa macalimka si uu usoo saaro jiilal aqoonle! Qofka xannuunka dhimirka la nooli waxa uu wajahaa faqooqid ay kula kacaan ehelka, saaxiibada iyo qaraabada ugu dhawi, iyaga oo aaminsan in uu yahay qof dhaqdhaqaaqi bulsho iyo waxyaabihii laga rajaynayay ka hadhay waligiina aan kusoo laabanayn.
Iyada oo xaaldahani ka dhex jiraan bulshadeena dhexdeeda, waxa haddana dhacda in ay taasi horseedi dhaqaalayn liidata oo qofka kusoo biirta noloshiisa taasi oo ay ugu wacan xaalada caafimaad daro ee maskaxeed iyada oo uu dhimirku lamid yahay cudurada kale ee laga dawoobo. “Nin dhimir hayo dhawaaq waa laga dhawraa” iyada oo maah maah Soomaaliyeed sidaa u dhignayd, ayaa waxad meel kasta ku arkaysaa daryeel la’aanta goobaha bulshada ku haysata dadkan iyada oo lagu buuqayo, la hagardaamaynayo, la dilayo oo dhaxanta iyo xaaladaha adag ee nololeed loogu darayo erayo dhaawac ku sharaftiisa iyo jiritaankiisa.
Dhibi intaas ka badane, dhimirku waxa uu kamid noqday xanuunka kaliya ee qofka uu ku dhaco laga samro sida cudurada dilaaga ah ee aydhiska (HIV/AIDS), taasi waxay horseeday in qof waayaha nololeed la daalani uu qarka u saarnaado in uu ku dambeeyo xarumaha lagu xidho dadka xanuunka dhimirka la nool.
Sida aynu wada ognahay, iyada oo xannuunka dhimirku uu u baahan yahay daawooyin caafimaad oo lagula tacaalo dadka la nool, waxa badiyaaba aynu aragnaa iyaga oo kolba meel la gaynayo si loogu dabiibo iyada oo la ilaaway in ay jiraan dad iyo dawo loo adeegsado oo si lama huraana ugu shaqaynaya. Goobaha badanaa la geeyo dadkan waxa kamid ah cilaajyo nadaafadoodu liidato, guryaha dhexdooda oo aan ahayn meel qalbiga qofku ku xasilayo, iyo xarumaha loogu tala galay in lagu daaweeyo oo aan xirfad iyo aqoon la’aan awgeed si liidata ula dhaqma dadka marka laga reebo dhismayaasha iyo daawooyinka oo ku yar.
Waxyaabaha aadka loola yaabo ee dadkani kala kulmaan goobaha ay ku jiraan waxa kamid ah jidh-dil aad u baahsan oo lagula kaco wakhtiyada dawooyinka la siinayo iyo xiliyada kale ee iyaga dhexdooda la dhex dhexaadinayo. Qaar kamid ah sida dumarka way ku yar yihiin dumar caawiya oo ilaaliya nadaafadooda oo daryeel buuxda siinkaraya tanina waxay sababtay in qofka xarumahan galaa aanu yeelan rajo dambe oo uu kaga soo baxa. Dayaca ka muuqda goobahani kuma koobna aqoon la’aan haysata dadka ka shaqaynaya laakiin waxa jirta dhibaatooyin dheeraad ah oo kaga imanaya goobaha ay ku nool yihiin ha noqoto goobaha ay seexanayaan oo aan ku filnayn, ha noqoto goobaha ay isku nadiifinayaan, ha noqdaan deegaanka liita ee aan soojiidashada lahayn ee ay ku dhex nool yihiin, ha noqdaan cuntada ay cunayaan tayadeeda, ha noqoto badbaadada deegaanka iyo kala ilaalintooda.
In kasta oo aan dhibaatada ku gadaaman dadka la nool xannuunka dhimirka aan intan lagu soo koobi karin, haddana waxa jirta in xaalada dhabta ah ee ay ku nool yihiin ay noqoto mid aanay ku noolayn cidkale. Guntii iyo gaba gabadii, waxa inoo muhiim ah inaynu daryeelno oo aynu indho naxariisle ku eegno dadka la nool xannuunka dhimirka kuwaaso u baahan aqoon mid diinteena suubani ina farayso iyo midkaleba, xirfado muhiim u ah daaweyntooda iyo kor u qaadida xuquuqaha ay inagu leeyihiin haddii diinteenu ina farayso iyo haddii ay tahay mid lagu qeexay dastuurkeena, waxay u baahan yihiin fahan dheeraad ah iyada oo waxbadan laga soo qaadan karo dalalka horumaray iyo sida ay ula tacaaleen daawaynta iyo ilaalinta dadka la nool xannuunka dhimirka.
 
Qalinkii: Maxamed Rashiid Xuseen
SMHSO Volunteer
Tlilfoonka: 252 63 4002027
Ciwaanka: mohamedashid402@gmail.com